Boqorradii Kowaad 7:15-28 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

15. Wuxuu sameeyey labada tiir oo naxaasta ah, oo midkiiba sarajooggiisu yahay siddeed iyo toban dhudhun; meeriskiisuna yahay laba iyo toban dhudhun markii xadhig lagu qiyaaso.

16. Wuxuuna sameeyey laba taaj oo naxaas la shubay ah in la saaro tiirarkii dhaladooda. Oo taaj sarajooggiisu wuxuu ahaa shan dhudhun, oo taajka kale sarajooggiisuna wuxuu ahaa shan dhudhun.

17. Oo taajajka tiirarka dhaladooda saarnaa waxay lahaayeen shabagyo isa sudhsudhan, iyo silsilado tidcan, oo taaj wuxuu lahaa toddoba, taajka kalena wuxuu lahaa toddoba.

18. Oo saasuu u sameeyey tiirarkii; oo shabaggiiba waxaa kor saarnaa laba saf oo ku wareegsan inay dedaan taajajka tiirarka kor saaran; oo taajkii kalena saasoo kaluu u galay.

19. Oo balbalada tiirarkeedii taajajkoodii saarnaa waxay u ekaayeen ubax, afar dhudhun bayna ahaayeen.

20. Oo taajajkii labadii tiir saarnaa dushooda oo shabagga u dhowaana waxay lahaayeen rummaanno. Oo rummaannadu waxay ahaayeen laba boqol oo taajkiiba safaf ugu wareegsan.

21. Oo tiirarkiina wuxuu qotomiyey balbaladii macbudka; oo tiirkii midigta ahaa intuu qotomiyey ayuu magiciisii u bixiyey Yaakiin, tiirkii bidixda ahaana intuu qotomiyey ayuu u bixiyey Bocas.

22. Oo tiirarka korkoodana waxaa saarnaa wax ubax u eg, oo tiirarka hawshoodiina saasay ku dhammaatay.

23. Oo wuxuu sameeyey berkedda naxaasta ah, oo labadeeda qar isu jiraan toban dhudhun, oo ku wada wareegsan, oo sarajooggeeduna wuxuu ahaa shan dhudhun, oo meeriskeeduna wuxuu ahaa soddon dhudhun.

24. Oo berkedda qarkeedii wareegsanaa waxaa ku hoos yiil ubbooyin ku wareegsan berkedda, dhudhunba toban; oo ubbooyinku waxay ahaayeen laba saf, oo markii berkeddii la shubay ayaa iyana la shubay.

25. Oo berkeddu waxay dul saarnayd laba iyo toban dibi, oo saddex waxay u jeedday xagga woqooyi, saddexna waxay u jeedday xagga galbeed, saddexna waxay u jeedday xagga koonfureed, saddexna waxay u jeedday xagga bari; berkeddiina way dul saarnayd, oo dibidii kulligoodna qarkooda dambe wuxuu ku jiray gudaha.

26. Oo berkeddii dhumucdeedu waxay ahayd taako; qarkeedana waxaa loo sameeyey sidii koob qarkiis oo kale oo ubax u ekaa; oo waxay qaadday laba kun oo qiyaasood oo bad la yidhaahdo.

27. Oo wuxuu sameeyey toban saldhig oo naxaas ah, oo saldhig kasta dhererkiisu wuxuu ahaa afar dhudhun, ballaadhkiisuna wuxuu ahaa afar dhudhun, sarajooggiisuna wuxuu ahaa saddex dhudhun.

28. Oo saldhigyadana sidan baa loo sameeyey; darfaha dhexdooda waxay ku lahaayeen meelo dhexe.

Boqorradii Kowaad 7