2. Oo kuwanuna amiirradiisii bay ahaayeen, Casaryaah oo uu dhalay wadaadkii Saadooq ahaa,
3. Eliixoref iyo Axiiyaah oo ahaa ilma Shiisha waxay ahaayeen karraaniyo, Yehooshaafaad ina Axiiluudna wuxuu ahaa taariikhdhige;
4. Benaayaah ina Yehooyaadaacna wuxuu u sarreeyey ciidanka; oo Saadooq iyo Aabyaataarna waxay ahaayeen wadaaddo;
5. oo Casaryaah ina Naataanna wuxuu u sarreeyey saraakiisha; oo Saabuud ina Naataanna wuxuu ahaa wadaad, boqorkana saaxiib buu la ahaa;
6. oo Axiishaarna wuxuu u sarreeyey shuqulka guriga; oo Adoniiraam ina Cabdaana wuxuu ahaa gabbaroqaade.
7. Oo Sulaymaan wuxuu lahaa laba iyo toban wakiil oo dalka Israa'iil oo dhan u sarreeya, oo cunto u keena boqorka iyo reerkiisaba; oo nin kasta sannaddiiba bil buu masruufi jiray reer boqor.
8. Haddaba waa kuwan magacyadoodii: Benxuur oo wakiil ka ahaa dalka buuraha leh oo Efrayim;