17. waxaa cararay Hadad iyo dhawr reer Edom ah oo ahaa addoommadii aabbihiis inay tagaan dalka Masar, oo Hadadna kolkaas weli inan yar buu ahaa.
18. Oo waxay ka ambabbexeen Midyaan, oo Faaraan tageen; oo rag bay Faaraan ka sii kaxaysteen, oo waxay yimaadeen dalkii Masar, kolkaasay u tageen Fircoon oo ahaa boqorkii Masar, oo isna wuxuu siiyey guri, cuntona joogtuu uga dhigay, dhulna wuu siiyey.
19. Hadadna raallinimo weyn buu ka helay Fircoon, oo xataa wuxuu u guuriyey naagtiisii walaasheed, taasoo la dhalatay boqoraddii Taxfenees.
20. Oo Taxfenees walaasheed waxay isagii u dhashay wiilkiisii Genubad, kaasoo ay Taxfenees guriga Fircoon kaga gudhisay, oo Genubad guriga Fircoon ayuu joogi jiray, isagoo la jooga Fircoon wiilashiisa.
21. Oo markii Hadad Masar ku maqlay in Daa'uud dhintay oo la seexday awowayaashiis, Yoo'aab oo sirkaalkii ciidanka ahaana dhintay ayuu Fircoon ku yidhi, I sii daa aan dalkaygii tagee.
22. Markaasaa Fircoon ku yidhi, War intaad ila joogtay maxaad iga weyday oo aad u doonaysaa inaad dalkaagii tagto? Isna wuxuu ugu jawaabay, Waxba; laakiinse i sii daa aan tagee.
23. Oo Ilaah haddana wuxuu ku kiciyey cadow kale, oo kaasuna wuxuu ahaa Resoon ina Elyaadaac kaasoo ka cararay sayidkiisii Hadadceser oo boqorkii Soobaah ahaa.
24. Oo rag buu soo urursaday, guutona sirkaal buu u noqday markii Daa'uud kuwii Soobaah laayay; oo Dimishaq bay tageen oo halkaasay iska degeen oo Dimishaq wax ku xukumeen.
25. Oo wakhtigii Sulaymaan noolaa oo dhan cadow buu u ahaa reer binu Israa'iil, oo waxaa kaloo wehliyey belaayadii Hadad ku sameeyey; oo intuu reer binu Israa'iil u karaahsaday ayuu Suuriya boqor u noqday.
26. Oo waxaa kaloo jiray Yaaraabcaam ina Nebaad oo ahaa reer Efraad oo Sereedaah degganaa, kaasu wuxuu ahaa Sulaymaan addoonkiisa, oo hooyadiis magaceeda waxaa la odhan jiray Seruucaah, waxayna ahayd naag carmal ah, oo isna gacantuu boqorka u qaaday.