25. Kolkaasuu yidhi, Inkaaru ha ku dhacdo Kancaan; Addoonkii addoommaduu u noqon doonaa walaalihiis.
26. Oo wuxuu yidhi, Ammaanu ha u ahaato Rabbiga ah Ilaaha Sheem, Kancaanna addoon ha u noqdo.
27. Ilaah ha fidiyo Yaafed, Hana dego teendhooyinka Sheem; Kancaanna addoon ha u noqdo isaga.
28. Nuuxna daadka ka dib wuxuu sii noolaa saddex boqol iyo konton sannadood.
29. Wakhtigii Nuux noolaa oo dhammuna waxay ahaayeen sagaal boqol iyo konton sannadood; dabadeedna wuu dhintay.