Bilowgii 8:1-4 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Oo Ilaah wuxuu xusuustay Nuux, iyo wixii noolaa, iyo xoolihii doonnidii kula jiray isagii oo dhan; oo Ilaah dabayl buu dhulka dul mariyey, biyihiina way dhinmeen;

2. ilihii moolka iyo dariishadihii samaduna way awdmeen; roobkii samadana waa la joojiyey;

3. biyihiina had iyo goorba dhulkay ka noqonayeen, oo boqol iyo konton maalmood dabadood ayaa biyihii dhinmeen.

4. Oo bishii toddobaad, maalinteedii toddoba iyo tobnaad, ayay doonnidii ku fadhiisatay buuraha Araarad.

Bilowgii 8