Bilowgii 5:18-21 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

18. Yaaredna wuxuu jiray boqol iyo laba iyo lixdan sannadood, wuxuuna dhalay Enoog.

19. Yaaredna markuu Enoog dhalay ka dib wuxuu noolaa siddeed boqol oo sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.

20. Wakhtigii Yaared noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa sagaal boqol iyo laba iyo lixdan sannadood; wuuna dhintay.

21. Enoogna wuxuu jiray shan iyo lixdan sannadood, wuxuuna dhalay Metushelax.

Bilowgii 5