Bilowgii 47:1-3 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Markaasaa Yuusuf gudaha galay oo uu Fircoon u warramay, wuxuuna ku yidhi, Aabbahay iyo walaalahay, iyo adhigoodii, iyo lo'doodii, iyo waxay haystaan oo dhammu way ka yimaadeen dalkii Kancaan, oo bal eeg, haatan waxay joogaan dalka Goshen.

2. Oo walaalihiisna wuxuu ka kaxeeyey shan nin, oo wuxuu hor taagay Fircoon.

3. Markaasaa Fircoon wuxuu Yuusuf walaalihiis ku yidhi, Shuqulkiinnu waa maxay? Markaasay waxay Fircoon ku yidhaahdeen, Annagoo addoommadaada ah waxaannu nahay adhijirro, annaga iyo awowayaashayoba.

Bilowgii 47