Bilowgii 25:12-16 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

12. Haddaba kuwanu waa farcankii Ismaaciil ina Ibraahim, kii Haagaar tii Masriyadda ahayd oo Saarah midiidinteedii ahayd ay u dhashay Ibraahim.

13. Kuwanuna waa magacyadii wiilashii Ismaaciil, magacyadoodii sidii farcankoodii ahaa. Curadkii Ismaaciil wuxuu ahaa Nebayod; waxaana ku xigay Qedaar, iyo Adbe'el, iyo Mibsam,

14. iyo Mishmaac, iyo Duumah, iyo Masa;

15. Hadar, iyo Tema, iyo Yetuur, iyo Nafish, iyo Qedemah.

16. Kuwanu waa wiilashii Ismaaciil, kuwanuna waa magacyadoodii sidii ay tuulooyinkoodii iyo xeryahoodii ahaayeen; waxayna lahaayeen laba iyo toban amiir sidii ay qolooyinkoodii ahaayeen.

Bilowgii 25