Bilowgii 24:1-3 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Ibraahimna waa da' weynaa, gabow buuna la dhacay. Rabbiguna Ibraahim buu ku barakeeyey wax walba.

2. Oo Ibraahim, wuxuu ku yidhi addoonkiisii oo dadka gurigiisa ugu weynaa, oo u talin jiray wixii uu lahaa oo dhan, Waan ku baryayaaye gacantaada bowdadayda hoos dhig.

3. Oo waxaan kugu dhaarin doonaa Rabbiga ah Ilaaha samada iyo Ilaaha dhulka inaadan wiilkayga naag uga guurinayn gabdhaha reer Kancaanka aan dhex degganahay:

Bilowgii 24