23. Haddaba halkan Ilaah iigu dhaaro inaadan i khiyaanaynin aniga ama wiilkayga, ama wiilkayga wiilkiisa, laakiinse sidii aan wanaagga kuugu sameeyey, inaad adna iigu samaynaysid, aniga iyo dhulka aad qariib ahaanta u degganaydba.
24. Ibraahimna wuxuu yidhi, Waan kuu dhaaran doonaa.
25. Ibraahimse wuxuu Abimeleg u canaantay ceelkii ay addoommada Abimeleg ka xoogeen aawadiis.
26. Abimelegna wuxuu yidhi, Anigu garan maayo ka waxaas sameeyey; adna iima aad sheegin, welina ma aan maqlin, maanta mooyaane.
27. Markaasaa Ibraahim ido iyo dibiyo kaxeeyey, oo wuxuu siiyey Abimeleg; labadoodiina axdi bay dhigteen.