Bilowgii 17:1-5 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Oo markuu Aabraam jiray sagaal iyo sagaashan sannadood ayaa Rabbigu u muuqday, oo wuxuu ku yidhi, Waxaan ahay Ilaaha Qaadirka ah; hortayda ku soco, oo mid eed la' ahow.

2. Oo axdigaygaan kula dhigan doonaa, oo anigu aad baan kuu tarmin doonaa.

3. Markaasuu Aabraam wejiga u dhacay; oo Ilaah baa la hadlay isagoo ku leh,

4. Bal eeg, axdigaygii waa kula jiraaye, oo adigu quruumo badan baad aabbe u noqon doontaa.

5. Magacaagana mar dambe lama odhan doono Aabraam, laakiinse magacaagu wuxuu noqon doonaa Ibraahim; waayo, waxaan kaa dhigay quruumo badan aabbahood.

Bilowgii 17