Baxniintii 39:27-29 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

27. Waxay Haaruun iyo wiilashiisii u sameeyeen jubbadihii marada wanaagsan ahaa oo si fiican loo sameeyey,

28. oo waxay kaloo sameeyeen duubkii Haaruun oo marada wanaagsan ahaa, iyo wiilashiisii duubabkoodii wacanaa oo marada wanaagsan ahaa, iyo sirwaalladii marada wanaagsan ahaa,

29. iyo dhex-xidhkii ahaa marada wanaagsan, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, oo daabacnaa, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

Baxniintii 39