Ayuub 41:15-22 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

15. Qolfihiisa adag waa wuxuu ku kibro, Oo waxay isugu wada xidhan yihiin sida wax shaabad lagu adkeeyo.

16. Midba midda kale way ku dhow dahay, Oo innaba dabaylu dhexdooda kama dusi karto.

17. Middoodba midda kale way haysataa, Oo way isku wada dheggan yihiin, oo innaba lama kala fujin karo.

18. Hindhisooyinkiisa waxaa ka soo widhwidha iftiin, Oo indhihiisuna waa sidii kaaha waaberiga.

19. Afkiisa waxaa ka soo baxa wax ololaya, Oo waxaa ka soo duula dhimbiilo dab ah.

20. Dulalka sankiisa qiiq baa ka soo baxa Sida dheri karaya iyo cawsduur ololaya.

21. Neeftiisu dhuxulay shiddaa, Oo olol baa afkiisa ka soo baxa.

22. Luquntiisu xoog bay leedahay, Oo cabsina hortiisay ku booddaa.

Ayuub 41