Ayuub 25:1-4 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Markaasaa Bildad oo ahaa reer Shuuxii u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi,

2. Dowladnimo iyo cabsiba isagaa leh, Oo meelihiisa sarena nabad buu ka dhigaa.

3. Ciidammadiisu ma tiray leeyihiin? Oo yuu yahay kan aan iftiinkiisu ku soo bixin?

4. Balse sidee baa nin u kari karaa inuu Ilaah hortiisa xaq ku ahaado? Mid naagu dhashayse sidee buu u karaa inuu nadiif ahaado?

Ayuub 25