7. Oo habeenkii oo dhan iyagoo qaawan oo aan dhar lahayn ayay jiifsadaan, Oo dhaxanta waxay ka huwadaanna ma leh.
8. Waxaa iyaga qoya roobka buuraha, Oo gabbaadla'aan daraaddeed ayay dhagaxa u dugsadaan.
9. Waxaa jira kuwa agoonta naaska ka dhufsada, Oo masaakiintana rahaamad ka qaata,
10. Sidaas daraaddeed waxay warwareegaan iyagoo qaawan oo aan dhar qabin, Oo iyagoo gaajaysan ayay xidhmooyinka sidaan.
11. Waxay saliid ku sameeyaan nimankaas derbiyadooda gudahooda, Macsarooyinkoodana way tuntaan, iyagoo harraadsan.
12. Dadku magaalooyinka way ka cabaadaan, Oo nafta kuwa dhaawacanuna way qaylisaa, Laakiinse Ilaah nacasnimadaa ma fiiriyo.