Ayuub 17:5-10 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

5. Kii saaxiibbadiis u yeedha inay maal ka qaybgeliyaan, Carruurtiisu way indha beeli doonaan.

6. Oo weliba isagu wuxuu iga dhigay wax ay dadku ku halqabsadaan, Oo waxaan noqday mid ay dadku candhuuf ku tufaan.

7. Indhahaygii murug bay la arag daranyihiin, Oo xubnahaygii oo dhammuna waxay noqdeen sidii hoos oo kale.

8. Dadkii toolmoonu waxan way la yaabayaan, Oo kan aan xaqa qabinuna wuxuu ku kacayaa cibaadalaawaha.

9. Laakiinse kii xaq ahu jidkiisa wuu ku sii adkaysan doonaa, Oo kii gacmo nadiifsan lahuna aad iyo aad buu u sii xoogaysan doonaa.

10. Laakiinse idinku dhammaantiin bal soo noqda oo ii kaalaya, Oo anna nin xigmad leh idinkama heli doono.

Ayuub 17