Ayuub 14:18-20 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

18. Oo sida xaqiiqada ah buurtii dhacdaa waa baabba'daa, Oo dhagaxiina meeshiisii wuu ka dhaqaaqaa.

19. Biyuhu dhagaxyaday lisaan, Oo daadkooduna wuxuu qaada ciidda dhulka, Oo adna sidaasoo kalaad u baabbi'isaa binu-aadmiga rajadiisa.

20. Weligaaba waad ka adkaataa isaga, oo isna wuu iska baxaa, Oo jaahiisa waad beddeshaa, oo waad iska dirtaa isaga.

Ayuub 14