2 Korintos 3:15-18 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

15. Laakiin tan iyo maalintaas mar alla markii Muuse wax laga akhriyo dabool ayaa qalbigooda saaran.

16. Laakiin mar alla markii loo soo leexdo Rabbiga daboolka waa laga qaadaa.

17. Rabbigu waa Ruuxa, oo meeshii Ruuxa Rabbigu joogana, waxaa jira xorriyad.

18. Laakiin dhammaanteen innagoo aan indho shareernayn, ammaanta Rabbiga ayaynu arkaynaa sidii oo muraayad lagu arko, oo isu-ekaanta ayaa laynoo roogayaa, ammaan ilaa ammaan, sida tan xagga Rabbiga Ruuxa ah ka timaada.

2 Korintos 3